LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

MAXAA KA DHIGAYA TRADER-GA GUULEYSTA? – SIRTA AYAN KUU FURAYNAA!📉📈💻

       MAXAA KA DHIGAYA TRADER-GA GUULEYSTA? – SIRTA AYAN KUU FURAYNAA!

Dunida trading-ka waa meel ay ku kulmaan fursado dahabi ah iyo caqabado adag. Laakiin maxaa ka dhiga qof guuleysta, midna uu ka tago suuqa isagoo niyad jab leh? Ma yahay luck? Ma yahay lacag badan oo lala soo galay? Mise waa sir kale oo trader-yadu qarsood ka dhigaan?

Halkan ka bilow… bal aan kuu jabiyo waxa dhab ahaantii shaqeeya!

1. TRADER-KA GUULEYSTA WAA MID QORSHE LEH

Haddii aad suuqa u gasho adigoon qorshe haysan, waxa aad u mid tahay nin badweyn ku jira oo aan tubbo haysan.

✔ Qorshaha saxda ahi wuxuu kuu sheegayaa:

Goorta la galo trade

Goorta la baxo

Risk intee la’eg ayaad qaadaysaa

Faa’iido intee la’eg ayaad doonaysaa

Traders badan waxay dhahaan “waan dareemay suuqa”, laakiin dareenka keliya maalin kuu shaqeeya, maalin kale ku halliga.

2. NAFSADDAADA KU GUULAYSO KA HOR SUUQA

Suuqa ma ahan cadowgaaga – neeftaada ayaa cadowga ugu weyn!

Sida loo maareeyo:

Ha ka xumaan khasaaraha — waa qayb kamid ah ciyaarta.

Ha u farxin faa’iidada degdegga ah — waa khatar ka daran khasaaruhu.

Sug, sug, sug… sugu waa weapon-ka trader kasta oo caqli leh.

Trader-ku waa inuu noqdaa calm, patient & consistent. Waxaanad ogaan doontaa in mar kasta oo aad degdegto, suuqu ku baro dharbaaxo qadhaadh.

3. FURSADU WAA JIRTA—LAKIIN MA AHA MAALIN WALBA

Traders-ka cusub waxay u maleynayaan in suuqu uu “maalin kasta fursad yahay”, laakiin kuwa khibradda leh waxay ogyihiin in aan la iska riixin trade aan shuruud buuxin.

Haddii aad shuruudahaaga jebiso, waxaad burburinaysaa system-kaaga.

Haddii aad system-kaaga ilaaliso, suuqu wuu ku ixtiraami doonaa.

4. ANALYSIS-KAADA KU TIIRSANOW – HA RAACIN DADKA

Wararka, TikTok “signals”, Telegram groups… waxaas oo dhan waa buuq.

Trader-ku waa inuu leeyahay analysis u gaar ah:

Technical analysis (charts, trends, S/R…)

Fundamental analysis (news, economics…)

Risk management (SL/TP, lot size)

Haddii aad ku tiirsanaato qof kale, faa’iidada uu sameeyo adiga ma aha. Khasaarahuna adiga ayuu kaa qabsadaa, isaga kama qabsado.

5. RISK MANAGEMENT: QAA’IDAHA QAALIGA AH

Waxaan kuu sheegayaa sirta ugu weyn ee trading-ka:

👉 Trader-kii aan Risk Management fahmin waligiis ma guuleysto.

Waa inaad haysato:

Stop Loss cad

✔ Risk per trade (1–2%)

✔ Trading journal

✔ Plan aad ku raacdo xitaa marka aad “feker fiican” dareento

Lacagta ugu badan traders-ka ka lumisa ma aha analysis xun — waa risk xumo.

6. CASHARKA UGU WEYN: CONSISTENCY > INTELLECT

Suuqa dadka ugu caqli badan ma guuleystaan. Kuwa ugu adkeysiga badan ayaa guuleysta.

Qof maanta 20$ ku bilaabay

Oo maalin kasta wax yar kordhiya

Oo sabar leh

Oo journal qoro

Oo khaladaadkiisa ka barto

Wuxuu ka sarreeyaa qof lacag badan soo gashaday laakiin maskax aan nidaamsaneyn leh.

GUNAANAD: SUUQU WAA MACALIN—ADIGUNA BARATOOYE

Haddii aad rabto inaad noqoto trader guuleysta:

Is bar

Is xakamee

Is qorshee

Is hubi

Is sabar

Trading-ku waa safar, ma aha orod gaaban. Qofkii sii joogaan ah, system leh, maskax deggan leh — waxa uu gaarayaa meelaha ugu sarreeya.


Post a Comment

0 Comments